X

Deg deg: Khasaaraha dagaal dhuleed oo ka dhacay Boorama iyo wararkii u dambeeyay

Khasaaraha dagaal dhuleed ayaa ka dhacay Boorama halkaas oo guuxu ka jirey maalmahan. Waxa jirey dhul lagu muransanaa oo aan loo xalin sidii la rabay taas oo ugu dambeyntii keentay isdilka.



Dhaawaca laba qof ayaa warbaahintu xaqiijisay ayadoo laysku adeegsadey rasaas nool welina ma cada in ay jirto dhimasho. Labada qof ee dhaawacmey ayaa ka soo jeeda qoyska reer Dabshid oo magaalada laga yaqaan.



Dhulka lagu muransan yahay ayaa ka agdhow guriga ilma Dabshid. Wararka hore ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay dhufeys ka galeen aaga muranka kadibna rasaas iswaydaarsadeen askar ka tirsan booliiska.

Waxa jirey banaanbaxyo kooban oo lagu taageerayo qoyska ilma C/llaahi Xuseen Dabshid. Booliiska Boorama welli kama hadlin is rasaasayntan.

Badhasaabkii hore ee Awdal ayaa booskiisa ku waayay murankan dhul.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.