X

Deg deg: London oo noqotey magaaladii ugu horeysay ee Yurub ee doorata gudoomiye Muslim ah waase nin caykee ah

Doorasho ka dhacday caasimada Ingiriiska ee London oo u dhaxaysay xisbiyada ka jira Ingiriiska ayaa waxa ku guulaystey xisbiga shaqaalaha oo uu hogaamiyo Sadiiq Khan oo asal ahaan ka soo jeeda Bakistaan laakiin ku dhashay Ingiriiska kuna barbaaray.

Sadiiq ayaa aabihii wuxuu ahaa qoxooti doortey in uu ku noolaado London markii Hindiya loo kala qaybiyay Hindiya iyo Bakistaan 1947 wuxuuna wadi jirey basaska London halka hooyadii iyadna ahayd kuwo tosha dharka qurxinta iyo labisyada casriga ah.

London ayaa sidaa ku noqotey magaaladii ugu horeysay ee Yurub ku taal isla markaana dadkeedu u badan yihiin dad aan Muslim ahayn in ay doortaan nin asal ahaan ka duwan diinta lagu barbaariyay kana soo jeeda dhaqan ka duwan.

Hadaba Sadiiq Khan waa nin caykee ah

Sadiiq Khan wuxuu ku dhashay London wuxuuna la dhashay sideed caruura oo isagu yahay kan shanaad, wuxuuna bartey aqoon ahaan cilmiga garsoorka, wuxuuna u doodi jirey qaybta bani aadamnimada.

Saqiiq Khan ayaa u codeeyay sharci xalaalaynaayay in khaniisiintu is guursadaan waxana arintaas kadib loo direy fariimo ah in la dilayo.

Sadiiq Khan ayaa ka guulaystey ninka la yiraa Zac Goldsmith oo isagu ah Yuhuudi inkastoo walaashii u dhaxday nin Bakistaani ah oo xariif ahaa ciyaarta xeegada hadana ku biirey siyaasada Bakistaan oo la yiraa Imran Khan.

Inkastoo Zac ciyaarey kaadhka diinta kuna tilmaamay Sadiiq Khan nin ku xiran xagjirka hadana taasi guul uma keenin. Isku soo duuboo London oo ka mida caasimadaha waaweyn ee aduunkan yar ee RABI inagu beeray ayaa waxa hogaankeeda gudaha lagu aaminey nin Muslim ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.