X

Deg deg: Madaafiic lagu garaacay goobo Maraykanka u xidhan dalkaasi Ciraaq

Wararka ka soo baxaya caasimada Ciraaq ayaa sheegaya in xarun u xidhan ciidanka Maraykanka ayna ku dhex taalo safaaradooda ayna ku wareegsan yihiin ciidanka badan, lagu garaacay madaafiic sida ay sheegeen booliiska Ciraaq.


Maanta ayay ahayd markii ururka kicinta oo ah maleeshiyo taabacsan Iiraan laakiin la dagaalami jirtey argagixisadii Daacish ay markeliya beeniyeen in gantaal Maraykanku ku weeraray.


Waxa madfacan oo loo yaqaan Katyusha uu xidhey wado aada safaarada Maraykanka. ”Hadda waxa ku sugan safaarada ciidan gaaraya 750 oo Maraykana oo wata hubkii ay isku difaaci lahaayeen ayuu yiri wasiirka difaaca Maraykanka.


”Waa ka daadgureynay shaqaalihii safaaradaas inkastoo ay dhici karto in dadyari ku hadheen ayuu yiri masuul kale u hadley Maraykanka oo diidey in magaciisa la sheego.

Goobta madaafiicdan ku dhaceen ayaa ah gudaha xarunta Maraykanka u xidhan ee loo yaqaan khadka cagaaran

Saldhiga Balad ee ciidanka cirka ee Maraykanka


Wararka kale ayaa sheegaya in saldhiga ugu weyn dhinaca circa ee Maraykanka leeyahay Ciraaq ee ku yaal Balad oo u jirta caasimada 80km in isagna lagu garaacay ugu yaraan 3 madaafiica. Intuba gudaha ayay ku dhaceen. Waxa dhaawac ka soo gaaray sadex Ciraaqiyiina oo ka mida shaqaalaha.

Weeraradan ayaa imaanaya xilli shalay xagjir Taram uu diley masuul sare oo ka tirsan waaxda hawlgalada dibedda ee ciidanka ilaalada jamhuuriyada Iiraan.


Iiraan ayaa wacad ku martey inay aargoosan doonto. Waxa labada wadanba ku dagaalamayaan Ciraaq. Waxa la sheegayaa in Ciraaq ka fikirayso inay erido ciidanka Maraykanka ee ku sugan dalkeeda.

Madaafiicda lagu garaacay goobahan ayaa ah kuwa aan la hagin taas oo keeni karta khasaare iyo bilaa khasaare labadaba. Waxa loo malaynayaa inay fuliyeen ururka Kataaib Xusbullah oo hadda soo saaray digniina in laga fogaado 1km goobaha uu degan yahay cadowgu.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.