Warar aan ka helayno Hargeysa ayaa sheegaya in maxkamad ku taala ay xukuno ku ridey oday dhaqameedyo soo abaabuley arbushaada diiwangelintii ka socotey deegaanada Lufghaya, halkaas oo ay dhaawac gaysteen.
Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Hargeysa Axmad Dalmar ayaa maanta galinkii hore xadhig min 3 sanadood ah ku xukumay Suldaan Mawliid Sabayse, Suldaan Ibraahim Sulub ,Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xoore iyo 11 qof oo kale kuwaasoo dhamaantoodka soo jeeda Hargeysa
Warkan ayaa la filayaa in uu qaboojiyo xiisad ay abuureen madax dhaqameedkan soo abaabuley arbushaada haddii uu si saxa u rumoobo. WAxa jirey baryahanba in aan lagu kalsooneyn in odayaashani helayaan waxay muteysteen.
Warka maxkamada oo la xaqiijiyay lagana ga waraystey nin qareen u ah suldaanada arbushaada u tagey deegaanka Lughaya ee ayna iyagu deganayn.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS