X

Deg deg: Maxkamad Maraykanku ka dambeeyo oo amartey in la xanibo bixida madaxweynaha Suudaan iyo wararkii u dambeeyay

Johanisberg–Jahwareer ka taagan socdaalka madaxweynaha Suudaan ee Koofur Afrika iyo maxkamad Maraykanku lacag ku bixiyay oo amartey in la xanibo bixidiisa. Maxkamadan ayaa u muuqata in ay fashilantey maadaama madaxda Afrikaanku marnaba aqbalayn in mid iyaga ka mida lagu xanibo wadamadooda.

Koofur Afrika ayaa ka mida wadamada saxiixey ka mid noqoshada maxkamada lagu magacaabo caalamiga oo sharcigeeda aanu ku jirin dilka laakiinse ay isticmaalaan sharciyada reer galbeedka ee dilka madnuucaya.

Madaxweynaha Kiiniya ayaa Maraykanku ku amrey in uu is geeyo xarunta maxkamada ee Hague si uu u yimaado Maraykanka taasi oo uu yeelay madaxweynaha Kiiniya.

Maxkamada ayaa macluumaadka ka hesha hay’adaha reer galbeedka ee u hadla xuquuqda siyaasadeysan ee dilalka ka dhaca wadamada Afrika kuwaas oo go’aansada in madaxda qaar ay galeen dilal iyo xasuuq badan.

Maxkamadan Koofur Afrika ee soo saartey in la xanibo bixida madaxweynaha Suudaan ayaa in muddo laga shaqaynayay sidii taas u dhici lahayd shakina kuma jiro in Maraykanku qayb weyn ku leeyahay soo saarida hadalkan..waxase la iswaydiinayaa Koofur Afrika ma samayn kartaa. WAANA MAYA.

Koofur Afrika ayaa sheegtay warka maxkamadaasi waxba kama jiraan lagama hirgelin karo Koofur Afrika maadaama madaxweyne AlBashiir ka qaybgalayo shirka Afrika dhinaca kalana ay u baahan yihii waqti ay ku diyaarinayaan kayska. Waase la eegi halka ay ku dhamaato.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.