Maamulka Puntland ayaa waxaa la soo sheegayaa in ciidamo farabadan ay u direen dhanka degaanka Garacad ee Gobolka Mudug halkaas oo ay qabsadeen Shalay Qorax dhicii argagixisada shabaab. Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ka cararaan deegaanka.
Dadka ku dhaqan Garacad ayaa cabsi xoogan ay soo wajahday kuwaas oo ka baqanaya in dushooda lagu dagaalamo.
Maamulka Puntland ayaa ciidamada u diray Garacad si ay uga xoreeyaan dhiigmiiradka oo raba in uu ku fido deegaano degan halkaana ka helaan lacaga.
Puntland ayaa ka yaabtey sida kooxdu ugu soo siqdey Puntland oo xaga buuralayda ay joogaan kooxo magacyo badanleh oo in muddo ah ay dagaal kula jirtey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS