X

DEG DEG: Puntland oo yeelatay gudoomiye barlamaan oo cusub yaase loo doortey

Puntland ayaa yeelatay gudoomiye barlamaan oo cusub oo ka soo jeeda beesha Warsangeli kadib markii uu iscasilay gudoomiyihii hore oo ku eedeeyay maamulka C/welli Gaas iyo ku xigeenkiisa in ay wadeen qorshe xilka looga qaadayo. Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland ayaa hadda loo doortey Axmed Cali Xaashi.

Murahax Xidhibaan Axmed Cali Xaashi ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland, kadib markii uu kusoo baxay wareegii ugu  dambeeyay ee doorashada gudoomiyaha.

Musharaxa guulaystay ayaa helay codad gaaraya 41, isagoo ka guulaystay murashax la tartamayay  Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo isagu helay codad gaaraya 22, Waxaana halkaasi kusoo idlaatay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Puntand oo waayahaan si weyn looga sugayay Gobolada Puntland.

Waa gudoomiyihii lixaad ee barlamaanka Puntland lagasoo bilaabo tan iyo markii la dhisay dowladda Putland sanadkii 1998-dii.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.