War hadda naga gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in argagixisada xalaashatey dhiiga Muslimiinta ay isqarxin ka gaysteen Muqdisho halkaas oo la sheegayo in khasaare uu jiro inkastoo warku hadda soo dhacay.
Warar horudhac ah oo aynu helnay waxay sheegayaan in gaari nooca dagaalka ah oo dowladda Soomaaliya leedahay, islamarkaana doonayey inuu kasoo baxo xarunta guul wadayaasha oo ku dhow wasaaradda difaaca Soomaaliya lagu hor jaray gaari ismiidaamiye saarnaa.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa halkaasi ka dhalatay, lamana oga khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay. Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa laga maqlayaa rasaas xooggan, iyadoo sidoo kale goobta uuro madow ay ka baxeyso.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS