X

Deg deg: Qarax xoogan oo laga maqlay madaarka Riyaad iyo gantaal kaga yimi Yaman

Wararka ka soo baxay Sucuudiga ayaa sheegaya in qarax xoogan laga maqlay meel u dhow madaarka Riyaad iyadoo wararku leeyihiin waxa ku dhacay gantaal kaga yimi dawlada Yaman.

Sucuudiga ayaa dagaal diimeed isaga u khaasa kula Jira shacabka Yaman kana dhigey dalkaasi meel dadku gaajo ugu dhintaan. Gantaalkan lala eegtay madaarka ayaa waxa laga soo tuurey dhinaca dawlada Yaman.



Sucuudiga ayaa sheeganayaa inay soo rideen ayagoo isticmaalaya hubka Maraykanku balaayiinta doolar kaga iibiyo si loogu gumaado masaakiinta Yaman.



Telefishan laga leeyahay Sucuudiga ayaa sheegay in gantaalkan la soo ridey mase soo bandhigin cadeyn.

Wararka saxda ayaa sheegaya inuu ku dhacay meel u dhow hadduuna ku dhacay madaarkaba oo la qarinayo khasaaraha. Talaabadan ay qaadey dawlada Yaman ee Sucuudigu dagaalka kula jiro ayaa muujinaysa in ay garaaci karaan bartamaha Sucuudiga iyo dhulka ay yaalaan hubka Yuhuuda iyo Maraykanku siiyeen si loogu gumaado.

Sucuudiga ayaa sawirkan hoose ku sheegay qayb ka hadhey gantaalka ay sheegteen inay soo rideen

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


 

admin:

This website uses cookies.