X

Deg deg: raiisal wasaare Xasan Kheyre oo la ansixiyay iyo tirada

Madaxweyne Farmaajo ayaa saacad kahor horgeeyay raiisal wasaarihiisa uu magacaabay barlamaanka fadhigiisii ugu horeeyay intii la doortey madaxweynaha.



Farmaajo oo furey kulanka ayaa ka hor jeediyay barlamaanka hawsha hortaala ee uu qaban doono wuxuuna isla markiiba codsaday in la ansixiyo raiisal wasaare Xasan Kheyre.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka horjeediyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in ay Ansixiyaan.

Ra’iisulwsaaraha Soomaaliya ayaa xildhibaanada hortooda ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay Waxyaabaha ay qaban doonto dowladiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya xildhibaanada ay ku ansixiyeen cod Aqlibiyad leh.

Kulanka Baarlamaanka waxaa joogay 231 xildhibaan dhammaantoodna waa ay ogolaadeen Ra’iisulwasaaraha .

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 



admin:

This website uses cookies.