X

Deg deg: rasaas lagu waday maayerka Berbera Cidin oo dishey ilaaladiis iyo Cali Xoorxoor oo dekeda ku cararay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in gudoomiyaha Berbera C/raxmaan Cidin uu ka badbaaday dil toogasho ah oo ka dhacday Berbera  ilaaladiis rasaastu haleeshay. Dhinaca kale Cali Xoorxoor oo ah maareeyaha dekedda ayaa firxad ku galay dekedda.

Dilka askariga ayaa waxa fuliyey nin Hubaysan oo aan ilaa hada la aqoon waxuu yahay kaasoo markii uu dilayba is geeyey saldhiga Booliiska halkaasi oo lagu xidhay.

Rasaasta dishay Askariga ayaa dhaawacday Qofkale oo ka ag dhawaa Goobta Dilku ka dhacay. Dadka qaar ayaa noosheegay in xaaladan kacsan ee Berberi gashay ay ka danbeeyaan beeshii laga dilay taliye Casayr oo ilaa hada aan sharciga la soo hortaagin ragii dilay oo liinta jeelka Madheera ku cabaaya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.