Waxa war haddasoo dhacay sheegayaa in sareeye guuto Maxamed Cali Samatar ahaana madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliya isla markaana soo noqdey wasiirkii difaaca ee dawladii dawlad ahaan ugu dambeysay dalka uu ku geeriyoodey isbitaal ku yaal dalkaasi Maraykanka.
Geerida Maxamed Cali Samatar ayaa waxa xaqiijiyay ehelada marxuunka oo lajoogey xilliga uu ku jirey isbitaal. Maxamed Cali Samatar ayaa la sheegay in da’diisu ahayd 88 jir sida u qoran dalkaasi Maraykanka.
Lama garan karo in dalka lagu aasi doono. Maxamed Cali Samatar ayaa dalka ka baxay markii reer galbeedku burburiyeen dawladii Somaliya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS