X

DEG DEG: Sidii la filayay Muuse Biixi oo loo doortey gudoomiyaha Kulmiye ma jirin cid la tartantey iyo Saylici oo…

Shirka Kulmiye ee hadda socda ayaa lagu doortey Muuse Biixi oo ahaa garabka Siilaanyo halka Siilaanyo uu sheegay in uu ka tanaasuley. Muuse Biixi oo loo xirey garabkan ayaaney jirin cid la tartantey. Waxa iyagana la filayaa in garabka Samaale ay doortaan isla isaga oo ay ilma adeeryihiin Muuse Biixi.

Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka soo qayb galay shirkan oo tiradoodu dhamayd 365 eergay  ayaa waxa u codeeeyey Muuse Biixi Cabdi  inuu noqdo musharaxa xisbiga Kulmiye 344 xubnood, halka ay diideen 1, waxaana ka aamusay  7 xubnood.

Waxaanu Muuse Biixi Cabdi sidaas ku noqday musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ee matali doona doorashada madaxtinimada ee soo socota xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Saylici looga tanaasulay kursiga ku xigeenka waxase hadda socota qudbadaha xisbigan loo daayay labada beelood ee Isaaq e Habar AWal iyo Habarjeclo. Xaglatoosiye ayaa diidey in uu tanaasulo waxana bilaabatay codeynta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.