X

Deg Deg: Suuriya oo dhulka soo dhigtey gantaalo Yuhuuda ka yimi

Wararkii ugu dambeeyay ee Ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in ay dhulka soo dhigeen ugu yaraan 4 gantaal oo Yuhuudu Ku tijaabinaayeen difaaca cirka ee dalkaasi. Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa cadaysay in Yuhuudu Ku fashilantey weerarka gantaaladaaas.


Waxa Isla markiiba raadaarku sheegay gantaalada soo socda taas oo kicisay gantaalada lidka diyaaradaha ee Suuriya sidaana lagu soo ridey qaar ka mida ayay sheegtay saxaafada Suuriya.

Yuhuuda ayaa dhinaceeda sheegtay in gantaalo looga soo ridey dhinaca Suuriya ayna difaac Ku jireen. Waxayse hadda qirtaan inay weeraro Ka fuliyaan Suuriya weerarkaas oo ay Ka soo qaadaan dhinaca Lubnaan ayagoo adeegsanaya diyaaradaha Maraykanka.


Lidka diyaaradaha ee Suuriya ayaa aad u xoogan taasoo keentay in Yuhuudu Suuriya ka soo weerarto dhinaca badda oo keliya ee xigta xadka Lubnaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.