X

Deg deg: tahriibayaal miino kula qaraxdey deegaan ka tirsan gobolka Awdal

Tahriibayaal miino kula qaraxdey deegaan ka tirsan gobolka Awdal. Maayer xigeenka degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa xaqiijay in miinadu la kacdey baabuur weyn oo xamuula.



Baabuurkan ayaa waxa saarnaa tahriibayaal ka yimi degmooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco. Miinada ayaa kula qaraxdey habeenimadii Axada ee Isniintu soo galaysay salaada subax kahor.

Ma jirto cid wax ku noqotey marka laga reebo dhowr qof oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud. Maayer ku xigeenka oo u waramay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dhalinyarada saarnaa gaariga ay dhamaayeen 40.



Wuxuu intaa ku daray in 25 ay raaceen doontii tahriibinaysay halka toboneeyo ay gacanta ku dhigeen. Miinadan qaraxday ayaan la garanayn cida ku aastey mase ah markii ugu horeysay.

Waalidiinta dhalintan la qabtey ayaa hadda gaaray degmada Lughaya. Gobolka Awdal ayay ku cusub tahay tahriibinta dadka Somalida ee u socda dalka gaajada iyo dagaalku ka jiro ee Yaman.



Maayerka ayaa sheegay in xeebta ay qariyeen geedka garanwaaga sidaana ay u arki waayeen doonta oo si dhuumasho ah ku timaad xeebta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.