X

Deg deg: Trump oo gantaalo ku weeraray Siiriya kana fogaadey aaga Ruushka

Trump Iyo soo raacyada Faransiiska Iyo Ingiriiska ayaa gantaalo Ku weeraray dalka xorta ah ee hore u burburiyeen. Gantaaladan oo ka fogaadey dhulka ay joogaan Ruushku ayaan welli la sheegin khasaaraha ay gaysteen.



Trump ayaa sheegtay inuu weeraray caasimada iyo gobolka Xoom ee bartamaha dalkaasi Kuna sheegay goobo lagu sameeyo sunta kiimikada ee dalkiisu buuxo.

Ciidanka difaaca Siiriya ayaa dhulka soo dhigey ilaa 15 ka mida gantaalada ay ku baxdey kumanaanka doolar.

Siiriya ayaa sii xeraysay diyaaradaha dalkeeda. Waxa dad badan iswaydiinaayeen talaabada Ruushku qaadey ayadoo ilaa imika ayna ka cadayn.



Ruushka oo hub Ku filan u yaalaan Siiriya ayaan hore u difaacin hawada Siiriya oo ay Si kibira u dul mushaaxi jireen diyaaradaha Yuhuuda Iyo kuwa akhwaan Erdogaan.

Gantaalahan Trump Ku weeraray Siiriya ayaan waxba ka bedelayn xaalada dalkaasi oo Ruushka oo taageersan Siiriya ay garaaceen argagixisadii Sucuudiga Iyo Erdogaan wateen.

Lama garan Karo talaabada xigta ee Ruushku qaadi doono inkastoo Trump Ku faani Kari inuu fuliyay balankii ahaa ” gantaaladu way soo socdaan Ruushow”

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarka fuleynimo ee sadex dal oo sheeganaya awood dhaqaale iyo mid ciidan ay ku weerareen dal uu ka taliyo madaxweyne qayb ka mida dalkiisa ay joogaan ciidan akhwaana oo Erdogaan taageero iyo argagixisada Sucuudiga ee Daacish.

Waxaan la saadaalin karin talaabada xigi doonta hadase waxay Trump iyo soo raacyadiisa dareensan yihiib guul maran.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.