Maxkamad ku taala Maraykanka ayaa hakisay xayiraadii uu Trump ku soo rogey wadamo ay Somaliya ku jirto in ay soo gali karaan dalka Maraykanka muddo sadex bilooda.
Xaakim ayaa kaga dhawaaqay hakinta magaalada Seattle ee dalkaasi Maraykanka. Wasaarada cadaalada Maraykanka ayaa sheegtay in ay dabaraac ka qaadanayso xukunka xaakimka.
Ururada xuquuqda dadka oo olole balaadhan waday mudooyinkan ayaa ka codsaday maamulka Trump in uu xushmeeyo xukunka maxkamada.
Dhinaca kale diyaarado ayaa durba ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan rakaabka ka socda todobada dal ee Trump uu xayiraada ku soo rogey si cunsurinimo ku jirto.
Xayiraadii Trump ayaa burburtey ugu yaraan ilaa hadda lama garankaro inta ay qaadan karto in u dib u soo celiyo waa haddiiba uu ku guulaysto dabaraaca xukunka xaakimka.
Wararkii u dambeeyay: Trump oo hadda Hadley wacadna ku maray in uu soo celin doonto xayiraada uu soo rogey, wuxuu dhinaca kale warxun ku sheegay talaabada uu qaaday xaakim Robert.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS