X

DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan dawlada dhexe oo argagixisada shabaab xaafada Xamarweyne si xun ugu dhaawaceen

Iyadoo Goordhaw degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir lagu dhaawacay Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada waxaa soo baxayay Warar Cusub oo ku saabsan Xildhibaankaasi. Waxa goob joogayaal sheegayaan in xaalkiisu culus yahay.

Daahir Amiin jeesow oo ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanka ay rasaas ku fureen dabley watay gaari nuuca kaaribta ah oo madow isla markaana ay goobta ka baxsadeen, waxaana uu intaa ku daray in Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan lagu baxnaaninayo goobaha caafimaadka.

“Xildhibaanka dhaawac ayaa soo gaaray, waxa uu ka midyahay guddiga arrimaha gudaha, dhaawaciisa wuu fududyahay, hadda waxa uu ku jiraa qeybta deg dega, dhaqaatiirtuna weli si fiican ugama hadlin dhaawaciisa” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamiin.

XIldhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu dhaawacay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.