X

Degdeg: taliyaha ciidamada Maraykanka ee Ciraaq oo sheegay inay dalka ka baxayaan

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee jooga Ciraaq ayaa daboolka ka qaaday in dalkiisu kala baxayo ciidamada Ciraaq kadib markaan aragney in ay timi arasgti ku saabsan madax banaanida.

”Maalmaha soo socda iyo usbuucyada soo socda ayaan ku dadaalaynaa inaan rarno ciidanka. Ma sheegin halka uu gaynayo ayadoo dadka badankiisu sheegayaan in wahaabiyada Sucuudiga loo wado.


Inkastoo xagjir Taram sheegay in dalkiisu ka baxayn Ciraaq ilaa ay bixiso lacagtii loogu dhisay garoomada iyo saldhigyada, haddana warkan ka soo baxaya taliyaha ayaa sheegaya in waxaas waxba ka jirin.


Cabsida la soo deristay

Maraykanka ayaa raba inay ooda isku qariyaan oo iska dhigaan kuwo amarka qaadanaya ayuu yiri Xuseen Warsame. ”Si aan u fulino hawshan isbahaysigu wuxuu u baahan yahay wado uu ku baxo oo amaana ayuu yiri taliyaha.


”Xilliga aan baxayno waxa Jiri doona dhaqdhaqaaqa diyaaradaha helikobtarta ah oo badnaanaya gaar ahaan aaga aan deganahay ee cagaaran. Si aan u yarayno buuqa waxaan ka ordaynaa meesha xilli habeenimo ah si aan loo oran waxa la soo wadaa gurmad kale.


Waxa qoraalka lagu soo xirey waxaan ixtiraamaynaa go’aankiina xorta ah ee aad nagu amarteen inan baxno.

Si kastaba ha ahaatee lama garan karo in warka taliyaha ka soo baxay ee uu cadeeyay masuul ka tirsan waaxda xiriirka difaaca ay tahay qoraal ay isku waafaqsan yihiin.


Xagjir Taram ayaa lagu yaqaan inuu isbedelo waana macquul in warkale ka soo dabatuuro ayuu yiri Xuseen Warsame oo been ka dhigaya midka taliyahood Ciraaq sheegay.

Waxa lagu tilmaami karaa guul u soo hoyatey Iiraan, mana dhex joogi karo wadan uu hore dadkiisa u kala qaybiyay, boqolaal sunni ahna uu qaarna xirey qaarna qixiyay.


Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa warkan bixida diidey inuu cadeeyo ama beeniyo, keliyana ku adkeystay in hadda uuna jirin qorshe bixid.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.