X

Degmada Luuq oo soo rogtey amar lagu ilaalinaayo amniga

Maamulka degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo saareen amaro ku socda dhalinyarada ku shaqeysta Gaari Hindiga loo yasqaan Bajaaj oo si xoogleh dalka u soo gashay.


Amaradan Cusub ee ay soo kordhiyeen maamulka degmada Luuq ayaa waxaa ka mid ah in Bajaajleydu aysan tagi karin goobaha ka baxsan degmada Luuq sida tuulooyinka hoos yimaada, hallkaas oo ay ku sugan yihiin argagixisada kooxda gaaleynta ee Shabaab.


Amarkaan ayaa kasoo baxay Kulan lagu qabtay degmada Luuq oo looga hadlayay amniga,kaas oo ay ka ka qeyb galeen Maamulka,Saraakiisha laamaha ammaanka degmada Luuq,dhalinyarada ku shaqeysta xirfadda dirawalnimada iyo Milkiilayaasha Bajaajta.

Dhiigmiiratada ayaa dilal qorsheysan ka fuliya deegaano hoostaga gobolka Gedo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.