Degmada Xudur oo laga madnuucay qaadka.
Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan Qaadka laga mamnuucay in laga dejiyo Magaalada xudur ee Caasimadda gobolka Bakool.
Maxamed Cabdi Maxamed Tol Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa sheegay in wax qaad ah la keeni Karin magaalada Xudur ilaa amar dambe.
Wuxuu ku sheegay sababta inay doonayaan in ciidamada ay noqdaan kuwa hagaagsan oo isku diyaariya qaadista hawlgalo ka dhan ah argagixisada shabaab sidaasi awgeedna lama huraan ay noqotay in qaadka laga joojiyo guud ahaan Degmada Xudur.
< style="text-align: justify;">Â Gudoomiye Tool ayaa sidoo kale tilmaamay in Qaadku uu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano hoos yimaada Magaalada Xudur halkaas oo ay hilfaha u qaadeen argagixisada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS