X

Dekeda Muqdisho oo laga saaray haraadiga maraakiib ku degtay: SAWIRO

Dekeda Muqdisho ayaa laga saaray haraadiga maraakiib ku degtay sanado kahor oo dawlad la’aan awgeed maraakiibtu isticmaali jirtey qayb ka mida dekeda.



Shirkadda Al-Bayrak oo gacanta ku haysa Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa fulisay hawlgalkaan oo ay ku soo saareen biro aad u waaweyn, kuwaasi oo yaalay dhulka hoose ee goobta Maraakiibta ay ku soo xirtaan.
Shaqaalaha Shirkadda Al-Bayrak oo isticmaalaayay Wiish wayn, ayaa la arkaayay iyaga oo soo saaraya Biraha waaweyn ee Badda dhex yaalay.



Waxa ay sheegeen birahaasi inay caqabad ku ahaayeen Maraakiibta qaar oo ay adkeyd inay ku soo xirtaan Dakadda, balse hadda lagu guuleystay in la soo saaro.
Dakadda Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ka socda horumar kala duwan oo ku aadan hanaanka shaqada Dakadda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.