X

Denmaak oo qoxooti Somali ah dib u soo celinaysa iyo goobaha lagu soo celinaayo

Dawlada cunsuriga ee Denmaak ayaa sheegtay in qoxooti Somali ah oo lumiyay kiisaskooda qoxootimo ay dib ugu soo celin doonaan dalkooda gaar ahaa goobaha amaanka ah sida Somaliland iyo Puntland. Waxa jira in ay jiraan turjumaano Somali ah oo sheegaya goobaha dadka is dhiibaya ka yimaadeen.


Somalida ka tagta deegaanada degan ee Somaliya sida Somaliland oo iyadu sheegtay inay go’dey iyo Puntland ayaa iyagu sheegta inay ka yimaadeen Koofurta Somaliya sidaana ku hela qaxootinimo kadibna la soo baxa calamo kale iyo inay dib u curyaamiyaan dalkooda sida uu sheegay Cali Yuusuf oo isagu ka mida dadka laga tirada badan yahay joogana Koobanheegan.


”Waxaan samaynay dib u eegis waxana noo soo baxay in 1000 qof oo Somali ah dib loogu celin doono dalkooda ayay tiri haweenayda cunsuriga ah soo galootiga ee dalkaasi. ”Waxa jira goobo nabdoon oo dadkani ka yimaadeen laguna celin doono ayay raacisay.


Dadkan ayaa la siiyay deganaansho hadase waxay rabtaa inay kala noqoto deganaanshahaas. ”Haddii aanad u baahneyn in aan ku sii taageerno, oo dalkaagii nabad yahay, aad ka helayso caafimaad, waxbarasho iyo waxkasta, waa sax in aan kaala noqono deganaanshaha ayay ku dartey.

Denmaak ayaa sheegtay in ay la socoto xaalada gobolada Somaliya, waxayna siisaa qof dib u noqobaya lacag gaaraysa 16 kun oo doolar halka caruurtana la siiyo 4 kun iyo sideed boqol.


Waxa jira in Denmaak hore heshiis ula saxiixatey maamulkii Sheekh Shariif iyo midka Somaliland in la soo celiyo qaxootiga Somalida, iyaguna dib u dhisaan booliiska deeganadaas.

Si kastaba ha ahaatee Denmaak aya sheegtay inay dib u soo celisay 42 qof oo Somali ah sanadkii hore sanadkana 32 qof oo kaliya. Tirada Somalida ka dhiiban Denmaak oo ah dal luqadiisu meelna ku gaarsiinayn ayaa  lagu qiyaasay 12 kun.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.