X

Dhaawacyadii ugu darnaa xasuuqii argagixisada ee Sabtigii oo Turkiga loo qaadey: SAWIRO

Dhaawacyadii ugu darnaa xasuuqii argagixisada ee Sabtigii ayaa Turkiga loo qaadey. Diyaarad xamuula oo dhaqaatiir la socota ayaa saaka ka daadgureeyay dhaawacyada kuwii ugu darnaa. Waxa goobjoog ahaa RW Xasan Kheyre.

Argagixisada Carabtu maalgeliso ee shabaab ayaa xasuuqii ugu darnaa ka gaystey Muqdisho ayadoo dhimashadu cagacagaynayso 280 qof. Waxa ka badan kaliya kii argagixisada ay walaalaha iyo isku diinta yihiin ee Daacish ka gaysatey dalkaasi Bakistaan iyo Baqdaad halkaas oo suuq la mida kan Muqdisho ay ku xasuuqeen in ka badan 300 oo qof.

Dhaawacyada saaka la qaaday ayaa lagu qiyaasay 40 qof oo qofkasta uu la socdo qof ehelkiisa ah ayadoo loo so noqonayo in kale.

Waxa caadiyan lagu yaqaan argagixisada inay aamusaan markey arkaan in dadku u midoobaan laakiin afka furtaan markey ku haboon tahay si ay u helaan saxaafad caama oo ka hadleysa.



Argagixisada ayaa hore uga aamusey xasuuqii ay ku dileen macalimiinta, iyo ardeyda qalinjabisay sanadii 2009 waana khidad lagu yaqaano. Waxa welli la faqayaa goobtii ay xasuuqa ka gaysteen dhiigmiiratada shabaab ayadoo welli daaruhu ku fadhiyaan dad masaakiina.

Waxa dhinaca kale ayna dawladu awoodin in ay gurmad ka gaysato xaaladaha adag ee sidana maadaama burburkii Somalidu isku gaysatey lagu jiro.

Argaixisada ayaa dadkeena u xasuuqaya si ay u fuliyaan madhabka Wahaabiga. Weyna qoslayaan maanta halka inaga ay inoo tahay baroordiiq waxana kuu cad inaynaan isku diin ahayn.



Xasuuqii Sabtidii ayaana aduunka gaalada ku qorneyn hordhaca wararkooda marka ayaga laga dilo halqofna afka furta. Taas oo nasiib daro ah in saxaafada Somaliduna qaadato wararkooda.

Inkastoo madaxda dalalka reer Yurub si wadajira u cambaareeyeen, waxase xusid mudan in xagjir Trump aanu twitter soo dirin uu ku cambaaraynayo laakiin uu twitter kaga jawaabo marka uu maqlo nin midi la wareegaya London.



Weerarada fuleynimada ee lagu xasuuqayo Muslimiinta ayaan cidi wax ka qaban karin si kasta oo aad u leedahay ciidan adag iyo sirdoon khatara.

Waxase muhiima in Somalidu isha ku hayso kuwa u soo gurmada xilliyada adag siyaasad kasta iyo dankasta oo ay inaga leeyihiin sida Turkiga.

Si aad u weynayso sawirada hoose laba mar tuuji mowska

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.