X

Dhacdo aad u naxdinleh: gabadh arooskeedii isku diyaarinaysa oo la diley iyo goobta

Gabadh arooskeedii isku diyaarinaysa ayaa la diley. Dilkan aadka u naxdin badan cuqabadana leh ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa. Xilliga gabadhan ay ku jirtey ayaa ahaa maalintey aduunyada ku lahayd.



Waxaan waxyar ka hor maqley qaylo ka yeeraysa xaafad iga soo horjeeda, waan ku baxay si aan u soo eego, gudaha ayaan guriga u galay, mise waa Xaliimo oo aan garanayo oo aan jaar nahay oo aan maalin walba iska soo horbaxno oo gawracan ayuu yiri goobjooge.



Xaliimo waxay ahayd aroosad lagu hawlanaa xeedhooyinkeedii, shalayna waxay soo eegatay qalabkii gurigeeda. Warar sugan lagama hayo sida dilku u dhacay.

Waxase la sheegay in gabadhan ay sidoo kale u mehersanayd wiilkale oo qurbajooga oo ay ilma abti yihiin.

Waa dhacdadii ugu naxdin badneyd ee ku dhacda gabadh aroosa. Nasiib wanaag waxa gacanta lagu dhigey nin looga shikisan yahay dilkan foosha xun.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.