X

Dhacdo foolxun oo laga argagaxay oo ka dhacdey Muqdisho iyo nin xaaskiisa diley

Dhacdo foolxun oo laga argagaxay ayaa ka dhacdey Muqdisho iyo nin xaaskiisa diley. Wararka ka imanaya xaafada Wadajir ee magaalada Muqdisho aya sheegaya in ninkani hubeysnaa.



Ninkaan hubeysan ayaa dilay Xaaskiisa iyo sidoo kale Saddex qof oo kale ka dibna isaga ayaa Isdilay. Gacan ku dhiiglahan ayaa si fudud ku helay qoriga AK47 oo uu shalay soo iibsadey sida la sheegay.



Maamulka degmada Wadajir ee dilkani foosha xun ka dhacay ayaan faahfaahin welli ka soo saarin, waxa ku kalifay inuu isdilo uuna galaafto nolosha xaaskiisa iyo dadka kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.