X

Dhacdo laga anfariirey oo ay samaysay hooyo ku nool gobolka Sanaag

Dadka deegaanka Buuraan ee gobolka Sanaag ayaa ka hadley dhacdo aad u naxdin badan oo ay samaysay hooyo maskaxda ka xanuunsan. Hooyadan ayaa laba caruura oo ay dhashay ku ridey ceel. Dadka deegaanka oo caruurta waayay ayaa is weydiyay halka ay ka dhaceen.

Markaan ka waraystey hooyadan ayay si lama filaana u tiri; waxaan ku ridey ceelkaas. Ma jirin cidkale oo ogeyd aan ka ahayn iyada.


Hooyadan ayaa dadka deegaanku ogaayeen inay maskaxda ka jiran tahay laakin marnaba lma iskuma dayin in la badbaadiyo caruurtaas ama iyadaba. Deegaanada sidan u fog ayauna jirin meel u dhow oo laga heli karo adeeg caafimaad.


” Maskax wareer ayaa nagu dhacay markey noo sheegtay waanan u qaadan weynay, naxdin ayuu beerku i barari gaaray ayay tiri hooyo Xaliima oo ah hooyo ku nool deegaanka Buuraan.


Qof ka mid ah dadka  deegaanka Buuraan ayaa waxaa uu sheegay  in Hooyada ay labadadeeda Gabdhood oo da’doodu kala 3 sano iyo 4 sani ay u labistay kadibna ay ku riday Ceelka, isla markaana saacado kadib la ogaaday”.

Salaadii subax markay ahayd ayaan gurmad samaynay nasiib xumo labada gabdhood nolol kumaanaan gaarin oo iyagaoo  meyda ayaan soo saarney.


Dhacdadan ayaa naxdin iyo anfariir ku ridey dadka degaanka. Waxayna xasuustaan quruxda dhalaankaa aan ogeyn in ceel madow lagu ridayo. Gabdhaha ayaa iska maanta lagu aasay tuulada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.