X

Dhacdo laga argagaxay oo ka dhacdey duleedka Muqdisho

Dhacdo aad looga argagaxay ayaa maanta ka dhacday duleedka Muqdisho halkaas oo askari booliisa rasaas ooda uga qaaday qoys ka koobnaa sagaal qof. Sida ay goob joogeyaal ka warameen waxa rasaasta furey nin ku labisan dharka booliiska Somaliya.


Goob joogeyaasha ayaa ku wararay in marka hore gabadh miskiina oo buulkeeda iska fadhida la toogtey kadibna ay ku carareen. Markii la aasay gabadha ayaa waxa yimi ehelkeeda.

Waxyar kadib aya ninka dharka booliiska ku labisan uu rasaas ooda uga qaaday qoyskan buulada ku jira. Waxana isla goobta ku dhintey afar qof, halka shan kale dhaawac soo gaaray.


Deegaanka dilkan foosha xun ka dhacay ayaa la yiraa ”iga daba gee” waxayna u dhowdahay deegaan dad barakacay degan yihiin oo la yiraa Tabeelaha Sh Ibrahim.

Warar qaar ayaa sheegaya in ninka gabadha diley uu aha ninkeedii markii dambana uu u soo noqdey oo uu diley qoyskeeda. Inkastoo warkaan aan la xaqiijin karin.

Waxa socda baaritaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.