X

Dhacdo naxdin leh: meydka gabadh laga helay Caabud-waaq

Wararka aan ka helayno magaalada Caabud-waaq ee Woqooyiga gobolka Galguduud ayaa sheegaya in la helay meydka gabadh 17 jira oo eheladoodu waayeen ilaa xalay. Deegaanka gabadha laga waayay ayaan Caabud-waaq ka fogeyn.


Sida ehelada gabadhu ku warameen gabadhan oo lagu magacaabo Ubax Maxamed Yaxye ayaa xaabo u doonatey banaanka ay dab ku shidato, waxase la sheegay in dhexda loo galay kadibna la diley.

Dhacdadan argagaxa leh ee foosha xun ayaa waxa aad uga naxay dadka xaafada ay ka deganayd gabadhaan. Dhacdooyinka dilka gabdhaha ayaad moodaa in baryahan dambe uu ku soo badanayo gobolada dhexe ee dalka.


”Dhaqan nooma ah in gabdhaha la dilo dilid iska dhaaf hadal inad ku celiso ayaa ceeb ahaan jirtey waayo gabadhi waa hooyo wana walaal waana xaaska mustabqalkaaga ayuu yiri Cali Calasow oo intaas raaciyay dhaqamadan inay yihiin kuwo dibeda inooga yimi.

Ciidanka amniga ayaa welli ku hawlan iany gacanta ku soo dhigaan kuwii diley Ubax. Gabadhaan ayaa la sheegay inay lahayd uur sadex  bilooda.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.