Warka naxdinkeh ee ka soo imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Dhagax-dheer oo Burco aan ka fogeyn lagu diley sadex caruura. Ninka diley ayaa la xaqiijay inuu ahaa caruurta adeerkood.
Caruurta la diley ayaa kan ugu weyn uu ahaa 4 jir sida,ay xaqiineen dadka tuulada Dhagax-dheer. Ninka dilka gaystey ee adeerka u ah ayaa la sheegay inuu maskaxda ka jiranaa caruurta isku meel ku diley.
Dhacdadaan dadka deegaanku ka anfariireen ayaa la sheegay in caruurta lagaga tagey. Dad aad u naxsan ayaa soo buux dhaafiyay aqalka dilku ka dhacay. Booliiska gobolka ayaa ninkan u dhaadhiciyay jeelka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS