X

Dhacdo naxdinleh: Aabe wiilkiisa u diley arin ugub ku ah dalka

Sida uu ku waramay gudoomiyaha degmada Balcad oo aan ka fogeyn Muqdisho mar uu la hadley saxaafada ayuu sheegay in la soo qabtey oo gacanta ciidamada amniga uu ku jiro aabe sabab aan hore loo arag u diley wiilkiisa.


Wiilkiisa ayaa ahaa kaliya 8 jir waxana la sheegay in uu hilib ka soo cunay aqal duco loogu sameeyay ayaydii oo geriyootay laakiin markii uu soo noqdey uu aabihii midi ku diley.

Aabahan wiilkiisa diley ayaa ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ama takfiir lagu yiraa af-Carabi oo inta badan laga maalgeliyo Sucuudiga.


Ma garan karo dambiga ilmahaas galay ee uu ku mutaystey in la dilo. Gudoomiyaha ayaa sheegay in halis ba’an Somaliya ku hayso kooxda gaalaybta ee Shabaab iyo Daacish.

Dhacdadan oo ka dhacday deegaan Balcad ka tirsan oo lagu magacaabo Xawaalee ayaa dadka deganka ku ridey juuq la’aan iyo argagax. Dadka deegaanka oo aan u qabin ama dhayalsan fikirada kooxda gaalaynta ayaa hore ka dalbadey in la dilo oo aanu baahneyn in jeel lagu sii hayo.


Waxa inta badan adag in hore laga dilo kooxda gaalaynta ayagoo marka la soo qabto ay jiraan odayaal ka daba yimaada oo hayb qabiil iyo waa nala beegsanayaa ku dhuunta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.