X

Dhacdo naxdinleh: Shan Caruur ah oo halmar dab ugu dhintey Kismaayo

Shan Caruur ah ayaa halmar dab ugu dhintey Kismaayo. Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacdey markii guri ay deganaayeen dad danyar ah oo barakacayaal ahi uu dab ka kacay.



Caruurtan ayaa deganaa xaafadda Farjanno gaar ahaan aagga dalxiiska ee magaalada Kismaayo ayaa waxa dabka ku dhintey 5 carruur ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.



Caruurtan oo kan ugu weyni uu 6 sano jir ahaa midka ugu yarna uu naaska nuugayay ayey hooyadood oo u shaqo tagtay waxa ay dusha kaga xirtay guriga, si ay u nabad-galaan.

Dabkan ayaa la sheegay inuu ka ka kacay maanso ka dhalatay koronto. Caruurta ayaa dayac ku dhintey. Waxa Iyana goobta ku geeriyooday hooyada caruurta dhashay hooyadeed oo 90 jir ahayd.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.