Dhalinyar Gadabuursi oo ka walaacsan siyaasada ADAL ayaa dood ku sheegay Ingiriiska. Kulan ay ka soo qaybgaleen dhalinyaradan oo ka dhacay magaalada Miltankiinis ayaa doodu ahayd sidii looga gudbi lahaa siyaasad xumada ka jirta deegaanada Gadabuursi.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ayayna joogin wax saxaafad ah. Dhalinta oo midba iskii u dhiibanayay fikirkiisa ayaa iyaguna ahaa kuwo kala aaminsan fikrado kala duwan hadana kawada jahwareersan siyaasad xumada jirta.
Waxa gobolka Awdal gaar ahaan uu yahay kan ay ka jirto siyaasad xumada ugu weyn ee ku habsatey Gadabuursi lafdhabarna u ah deegaanada kale ee tolka.
Kulanka oo ahaa dood furan ayaa loo balamay in la sii wado bal in aakhirka laga heli karo fikrad wax u tarta Gadabuursi guud ahaan.
ARAABINEWS