X

Dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar oo uu ku dhacay xukun kufsi ah

Waxa magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ka dhacay xukun lagu riday koox dhalinyaro ah oo gaystey kufsi wadareed. Waxay kufisigaas u gaysteen gabadh lagu magacaabo Hodan Maxamed Diini.


Xukunka ayaa ku dhacay afar ragga iyo haweenay lagu helay inay fududeysay qorshaha lagu kufsanaayo Hodan. Waxa caadi ah in eedaysanayaashu been ku dhaartaan ayadoo la ogyahay inayna garanayn macnaha dhaarta.

Maxkamada oo go’aan ka gaartey ragaan iyo haweenayda ayaa sheegtay in 4-kamid ah lagu xukumay 6-bilood oo xarig ah halka eedaysanaha 5-aad oo ah kan qirtay in xiriir uu kala dhaxeeyay gabadha lagu xukumay jeedal, masaafurin iyo 44-dago oo meher ah.


Waxa aad loola yaabay gabadha qayb wey ka qaadatay in saaxiibteed shirqoosho si dembigaan loo galo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.