X

Dhalinyaro Somali ah oo lagu dilay caasimada Ingiriiska ee London

Dhalinyaro Somali ah ayaa lagu dilay caasimada Ingiriiska ee London. Wararka ayaa sheegaya in labo dhalinyaro ah siyaabo kala duwan loogu diley magaalada. Dhalinyarada ayaa inta badan la socda dad madow ah.



Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa da’dooda lagu qiyaasay 18 ilaa 20 jir waxana sida muuqata lagu diley midiyo lala dhacay jirkooda. Booliiska oo la wareegay maydka dhalintan ayaa sheegay in midi lagu diley.



Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dilkan u muuqdo mid aargoosi ah oo madowgani uga aargoosanayeen mid madow ah oo isna lagu diley isla xaafada.



Mid ka mida labada wiil ayaa isna walaalkiis lagu diley isla London afar bilood kahor. Dhalinta Somalida ee yaryar ayaa naf moodey madowga kuwaas oo koobigareeya nolosha iyo hadalka dadka madowga ah ee nolosha ka dhacay.

Xaafada dilalkan ka dhaceen ayaa lagu soo rogey amar degdega kaas oo booliiska siinaya inay baaraan cidkasta si amniga loo xaqiijiyo. Dilalka iyo midi isgelinta ayaan lagu aqoon dadka cadaanka ee Ingiriiska ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.