Nin dadku u bixiyeen WARAABE oo cudurka keena Aydhiska qaba ayaa qaadsiiyay boqol haweena oo uu la seexday iyo sababta oo keentay dhaqabka Malaawi oo dadku ka yaabay.
Waa ta koowaade waxa Malaawi ka Jira in isla marka ugu horeysa ee gabadha dhiiga caadada ah ka timaado ay la seexato nin. Dawlada ayaa kordhisay da’da gabadhu ku guursan karto ama nin kula seexan karto.
Dhaqanka laga yaabay ee kale ayaa ah in haweenayda laga dhinto ay la seexato nin waxa ay ugu yeedheen DAAQAD NADIIFIN. Ninkan loo bixiyay WARAABE ee sawirkiisa hoos idiinka muuqdo ayaa madaxweynaha dalkaasi amrey in la soo qabto oo la xidho.
Waxase la waayay hal haweenay ah oo ku marqaati furta isagoo qabey cudurka keena AYDHISKA hadana aan u sheegin haweenkii u la seexday.
Aakhirkii waxa lagu xidhey sharci kale oo ciqaabaya dadka ku kaca dambiyada noocana.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS