Dhaxal sugaha Sucuudiga ayaa sheegay in Sucuudigu joojinayo Wahaabiyada kuna noqonayo diinta saxda ah. Sucuudiga ayaa malaayiin doolar ku bixiya faafinta caqiidada Wahaabiyada oo ay u jirto in haweenku xirtaan kaliya dhar madow afkana dabooshaan.
Waxa kale oo caqiidadu ku xiran tahay dabasocodka dadka iyo dadka ay dilaan oo ay maydkooda sudhaan wadooyinka. Argagixisooyinka caalamka Muslimka ayaa faafiya caqiidadan Wahaabiyada.
Boqorka yar ee dhaxal sugaha ayaa qayb ka ahaa in haweenka loo ogolaado kaxaynta gawaadhida iyo arimo badan oo noloshooda ah sida in ay bangi furan karaan kaligood.
Ma sheegin inay ka guurayaan nidaamka adoonsiga ee ay dadka ku shaqaalaysiiyaan. Boqorka yar ee Salmaan ayaa sheegay in Sucuudigu ku noqonayo dulqaadka diinteenu ina farayso kana guurayaan xagjirnimada ay haystaan.
”Waxaan ku noqonaynaa sidaan awal ahayn diin macaan oo dulqaad leh oo dadku xoryihiin. Sucuudiga ayaa dhisaya jasiirad ay ku kacayso balaayiin doolar oo ka turjumaysa dulqaadka diinteena.
Boqorka yar ayaa qirey in kacaankii Iraan uu kharibey waxkasta oo Sucuudiga ku kalifay inay wadaado xagjira u dhiibtaan talada dalka meelo badan ayuu yiri Suldaan Maxamed.
Hadalka Suldaan Maxamed ayaa farxad u ah aduunka Muslimka oo ay ku faafin jireen Wahaabiyada gacan weyna ku lahaayeen argagixisada. Waxase muuqata in dadka Sucuudigu khaasatan dhalintu khaati ka joogaan Wahaabiyada la faafinayo markasta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS