X

Dhibaatada dastuur dhoodhoobku ku hayo horusocodka dalka

Waxay ahayd maamulkii fadhiidka ahaa ee Sh Shariif markii dalka loo hoosgeliyay dastuur dhoodhoob laga soo guuriyay gaalada kadibna loo yeeray odayaal aan badankoodu waxna qorin waxna akhriyin si ay u ansixiyaan. Ilaa hadda waxa ummada u dastuura dastuur dhoodhoobkaas xaaraanta ah ee waqtiga ka lumiyay.


Ma jirto wax talaabo ah oo lagu saxayo sidii dastuur dhoodhoobkaas khaniiska xoriyada siinaya daaqada looga saari lahaa waxase jira nasiib daro talaabooyin fashilmey oo la rabo in lagu toosiyo.

“Weerarka ugu weyn ee lagu soo Somaliya, waxay ahayd in lagu soo dhextuurey dastuur dhoodhoob gaalaysan oo dhaqankooda iyo diintooda ka fog ayuu yiri Nuur Ciise  waaxana dhibkaas ugu wacan fadhiidyada xilligaa maamulka dalku gacanta ugu jirey.


Waxay qaadanaysaa geesinimo iyo karti sidii ummada looga dulqaadi lahaa ayuu raaciyay Nuur Ciise.

Waxaan ogaan karnaa cidii la dagaalanta kuwa inagu soo qaday weerarka dastuur, kan federaal inuu la mid yahay ama ujeedadu tahay in dalkaani weligii degin oo isagu isku warwareego weligii.


Halaga shaqeeyo sidii dastuurkaa gaalada ummada looga qaban lahaa ee aan laga dhigin mid Somali leedahay, waxayse aynu lahayn dastuur loo codeeyay oo aan meelna uga furneyn khaniiska.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.