X

Dhibaatooyinka dadka xajiyaa kala kulmaan diyaaradaha qaada

Macaamiisha iyo dadka adeega qanacsiga isticmaala waxa u dooda haayado gaar ah oo dawladuhu leeyihiin sida haayada ilaalinta macaamisha balse dalkeena macmiillku cid uu u cawdaa ma jirto inta badan.

Sanad walba wakhtiga xajka wax cirka isku shareera cabashada laga qabo shirkadaha diyaaradaha sida Daallo airlines,hadaba dhibaatooyinka ay macaamiishu shirkadahan ka tirsanayso waxa ka mid ah:

1. Qofka soo xajaya waxa laga qaadaa lacag duuduub ah (lump sum) oo ah $3750 dollar oo bilaa tafaasiil ah (break down),halka Ethiopia iyo Djabouti lagaga soo xajo lacag intaa aad ooga yar oo ah wax ka yar $2500 dollar.

2. Dadka ka soo xaja Djabouti iyo Ethiopia waxa la dajiyaa dhismayaal casri ah,waxana la siiyaa cunto fiican halka kuwa Somaliland ka soo xajiya la dajiyo meelo xun xun,cunto aan fiicnayna la siiyo,waayo waxa lacagtii kala shaxaaday shirkadaha diyaaradaha,halka Ethiopia iyo Djabouti ay dawladahoogu la xisaabtamayaan shirkadaha diyaaradaha.

3. Ingiriiska oo aynu ognahay masaafa ahaan inta uu u jiro sucuudiga waxa lagaga soo xajaa inta lagaga soo xajiyo Somaliland

4. Dhibaatooyinka laga tirsanayo shirkadaha diyaaradaha sida Daallo airlines waxa ka mid ah bookinga oo la badbadalo oo qofkii hor imid qof kale booska looga saaro,diyaarado aan fiicnayn oo dadka gobalada ka soo daabula,cuntada xujaajta la siiyo oo aan standard ahayn.

5. Hadaba shirkadaha sida wayn ooga faaida xajka waxa ka mid ah Daallo airlines oo aan si dhamaystiran u bixin cashuuraha ku waajibaya sida macaashal macaashka,cashuurta shaqaalaha,cashuurta iibka iwm.

6. Dhinaca kale waligaa ma maqashay Daallo airlines oo ka qayb qaadanaysaa arrimaha bulshada sida dhisida wadooyinka,iskuulada amba dib wax ugu celinaysa madaarka ay ku shaqaysto,jawaaabtu waa maya.

7. Daallo airlines waxa ay wax ku bixisaa laaluush,xaasidnimo iyo muaamaraado siyaasadaysan oo ka baxsan anshaxa qanacsiga.

8. Dadka soo xajaya ee booqanaya guriga ilaahay,ninka dhiba iyo ka wax ka khaldaa marka hore isagaa if iyo aakhiro danbarsan doona,balse dalkeenu waa dalka dimuquraadi ah oo isdoorta,lehna wakiilo umada matala,sidaasi darted in umada lagu daawado shirkadaha mamay sida Daallo airlines waa doqoniimo iyo dawladii oo kaalinteedii gabtay.

9. Horta ninkasta oo umada dusha wanaag ka tusa hoostana shar,xaasidnimo,basaasid,iyo isku dir ka wada waxa xisaabin doona ilaaha aan waxba ka qarsoonayn,balse maanta bulshada reer Somaliland way u jeedaa sida xaraanta ah ee reer abusite u qanacsanayaan,xujaajtana u khaamaynayaan.

10. Waxa aan wasiirka duulist iyo Wasiirka diinta iyo aw qaafta u soo jeedinayaa in dib u eegis lagu sameeyo arrimaha xajka shirkado tayo lehna loo furo xajka sida Flydubia,oo ka sakow diyaaradaheega fiican,adeeg u qalma xujaajta reer Somaliland ooga soo xasilin karta bortooyada sucuudiga oo ay inooga fara dhuudhuubantahay.

Lasoco qaybaha danbe

By; Eng Shire Ducaale

admin:

This website uses cookies.