X

Dhiigmiiratada oo caruur ku qarxisay miino

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhiigmiiratada shabaab miino ay aaseen ay ku qaraxday caruur dugsi Quraan ka yimi oo la sheegay inay walaalo yihiin. Xaalada mid ka mida ayaa laga deyrinayaa.

Dhigmiirada oo dadka deegaanku hub u qaateen ayay caadi u tahay inay miinooyinka ku aasaan wadooyinka, tana waxay ka mid tahay miinooyinkaa ay dadka shacabka u aaseen.

Masuuliyiinta degmada ayaa sheegay in xaalada mid ka mida caruurta la geeyay isbitaalka deegaanka uu liito halka kuwa kalena uu fudud yahay dhaawacooda.

Deegaankan at dhiigmiiratadu ku aaseen miinada ayaa la yiraa Miircade wuxuuna ku yaala dhinaca Koofureed  ee Beledweyne.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.