Dhiigyacab been loogu sheegay in uu jano galayo kadibna la yiri xalaasho dhiiga muslimiinta ayaa manta la horkeenay taliyihii uu dhiigiisa xalaashadey lana tusey sida loo abaalmarin doono walina cidi u ooyayn.
Ninkan argagixisada ah ee dilka gaystey oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Madoobe , ayaa maanta lagu soo bandhigay qabuurihii lagu aasayay Marxuun Cabdiweli Ibraahim Maxamed , waxana halkaasi ku sugnaa Madaxda maamulka Gobolka Sh.dhaxe iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil.
Gacan ku dhiiglaha ayaa wajigiisa ka muuqatay dareen cabsi leh kadib markii lasoo horjoojiyay meydka marxuunkii la dilay, waxaana markii dambe ninkaasi loo kaxeeyay xabsi ku yaala magaalada Jowhar halkaas oo su’aalo lagu weediinayo.
Maamulka iyo dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa si weyn usoo dhaweeyay soo qabashada ninkan xalay si bareer ah magaalada Jowhar ugu geestay Taliyihii Hay’ada Nabad Sugida gobolka Sh/Dhaxe .