X

Dhimashada lix qof oo isku qoys ah oo ka dhacdey Hiiraan iyo waxa sababay

Dhimashada lix qof oo isku hal qoysa oo ka dhacdey Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in dhimashadu tahay ku dhawaad 10 qof isla markaana lix qof ay ka soo jeedaan hal qoys.



Dadkaan ayaa ku dhintey markii ay la qaraxdey miino lagu aasay deegaan aan ka fogeyn magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan. Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ay kala yihiin hooyo iyo 4 caruur oo ay dhashay, aabahood iyo macalim dugsi quraan.

Qoyska ku dhintay qaraxa miinada ayaa adeeg caafimaad waxaa ay u tageen magaalada Buulaburde maadaama ayna ka jirin tuulada ay deganaayeen.



Guddoomiyaha Buuloburde Cabdi Daahir Guure ayaa saxaafada u sheegay in nuuca miinada ay ahayd kuwa Taangiyada lagula dagaalamo oo ay aaseen argagixisada Shabaab.

Wuxuuna sheegay in argagixisadu si toosa u beegsadaan xataa dadka baadiyaha ah ka nabad galeyn.

Shalay ayay ahayd markii argagixisadu soo qaadey weerar fashilmey ay ku hoobteen deegaanada u dhow Buulaburde.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.