X

Dhimashada naxdinta leh ee caalamku ka gariirey ee ku dhacday ilmihii yaraa ee baddu soo tuftey oo reer Yurub furtey: QORMO

Waxaan daraad tii ka horeysay la wada arkay sawir uu qaadey sawirle Turki ah oo muujinaya ilmo yar oo Siiriya u dhashay oo baddu soo tuftey waxana qofkasta xasuustey halka qaldan ee ilmahaasi ku dhintey isaga oo ay ahayd in uu gurigiisa ku ciyaaro seexdo aabihii iyo hooyadiina la ciyaaro. Waxa qof kasta iswaydiiyay sida dunida uu ka yimi ay u naxariis daysay halka waalidkii uu socdayna ay naxariis kaga horeysay.

Dhimashadii Aylan Kurdi ayaa wax weyn ka bedeshay dadka naxariistu ku hadhay aduunyada ee reer Yurub kuwaas oo markiiba ku dhawaaqay in dalalkooda u furayaan dalka uu ka soo jeeday Aylan Kurdi oo ahaa ilmihii indhaheenu wali  sii eegayaan sida uu u dhintey iyo dhibka uu uu maray in uu biyahaas iska celiyo.

Waxa shaki la’aana in Aylan naftiisu ku sugan yahay gacanta Rabigiisa aakhirana Rabigiisu u diyaariyay meel barwaaqaysan waxase meesha taala yaa dhibkaas u gaystay Aylan oo gurigiisii ka qixiyay waxaan shaki la’aan ahayn argagixisada Daacish ee Carabtu taageerto in ay leedahay eeda koowaad.

Carabta uu ugu horeeyay Sucuudigu, Qadar iyo Turki iyo Maraykan ayaa ah kuwa qixiyay ummad dhan oo xadaarad leh oo degan iyagoo u kala saaray Sunni iyo Shiica halkaana ku abuurey dhiigmiiratada Daacish ama ISIL tana ay tahay midhihii ay abuureen.

Akhriste waxaad is waydiin kartaa wali ma aragtey Sucuudiga oo leh masaakiintii aan qixiyay ayaan qaadayaa oo aan dib u dejin siinayaa. In uu waxtaro iska daaye waxay maalqabeenadoodu u soo guur doontaan gabdhaha Siiriya ee aan qaangaadhin iyago kuwooda ay guryaha ku gaboobeen.

Waxaaa xusuus mudan in argagixisada kale ee Shabaab ee iyadna laga taageero Carabta in abaarihii 2012 ay u diideen in masaakiintu hesho cunto taasina ay keento in hooyooyin badan ilamahooda kaga dhaqaaqaan duurka iyago qaxaya waxaan nasiib ku leenahay waynaa arag sawiro waayo dhulka ay mareen ayay argagixisadu haysatay waase la mida sida wiilkaas Siiriya u dhintey.

Ingiriiska ayaa isna ku dhawaaqay in degmooyin badan oo ka mida dalkiisa ay soo dhaweyn doonaan qoxootiga ka imanaya Siiriya taas oo dhici karta in Qoxootiga xalay lagu qaaday basaska ay u soo gudbi doonaan Ingiriiska.

Isku soo duuboo sida kaliya ee lagu xalin karo dhibka haysta Muslimiinta waa in la helo dawlado adag oo iska caabiya argagixisada isla markaana dhisa dalkooda.

Rashiid Ceelaaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.