X

Dhismaha xaafad casri ah oo Muqdisho laga bilaabay iyo sawiro laga soo qaaday

Shirkad ay leedahay Imaaraadku ayaa xaafad cusub oo waxkasta leh ka dhisaysa magaalada Muqdisho looguna magic daray daarta nabada ama Darulusalaam. Xaafadan ayay ku baxayaa malaayiin doolar waxana la rabaa in laga iibiyo dadka qurbajoogta ah iyo kuwa lacagta leh.

Xaafadan oo ku began Degmooyinka Dayniile iyo Yaqshiid, waxa maalgashanaya Bangiga Salaam bank oo lacagta ugu badan ay leeyihiin carab.

Xaafada Daarul Salaam ayaa ah xaafad si qurux badan loo dhisayo , waxaana dhismaha xaafadaasi ay hada tahay mid qeybo kamid ah gabo gabo marayaan, waxaa sidoo kale xaafadaasi loo dhisayaa suuq weyn iyo Goob barxad ah oo lagu nasto.

Xaafadan oo ka baxsan Magaalada Muqdisho ayaa waxa tagaya laami cusub oo si heer sare ah loo dhisay , waxaana la filayaa dhismaha xaafadan in dhawaan ay soo dhamaato kadibna ay dad badan deegaan u noqoto

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

 

admin:

This website uses cookies.