Waxaa muddo kooban dib loo dhigay shirkii u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo maamul goboleedyada ee lagu balansanaa inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida uu sheegay gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo maanta gaaray isla magaalada Baydhabo.
Gudoomiye Jawaari oo shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada maamulka koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa xusay in arrimo farsamo awgood aanu shirkaas u qabsoomi Karin xiligii loogu talo galay.
“Dib u dhac ku yimid shirka maahan mid weyn, waxay aheyd inuu furmo laguna balansanaa 20-ka bisha, waxaana dib loo dhigay shan cisho, isagoo furmi doona 25-ka isla bishan” ayuu yiri gudoomiye Jawaari.
Waxaa uu intaa ku daray inuu u yimid magaalada Baydhabo sidii uu ugu kuurgeli lahaa diyaar garowga loogu jiro shirkaas wuxuuna xusay inuu sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgaradka iyo qeybaha bulshada magaalada Baydhabo.
Shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ku kulmaan madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadlaa arrimo ku saabsan doorashooyinka la filayo iney dabayaqaada sanadkan ka dhacaan Somalia.