Dib u jaleec sanad iyo sadex bilood kahor markii argagixisada Daacish ama ISIL ay qixisey dadkii ku noolaa Woqooyiga Ciraaq haba u darnaatee magaalada weyn ee Mosul ee xadaarada leh. Hadda magaalada Sinjar oo duur ku taal waxa iyadana qixiyay argagixisada Daacish,, waxa dadkii magaalada deganaa u qaxeen dhaxanta buuraha magaalada.
Maanta ayaa lagu guulaystey in dhiigmiiratada uu taageero Sucuudigu dib looga sifeeyo Sinjar iyadoo lagu soo socdo in laga ciribtiro Ciraaq oo dhan inkastoo sanado qaadan doonto.
Dhiigmiiratada Daacish ayaa ku gabata diinteena macaan ee Islaamka ee aan ogoleyn in qof la taabsiiyo xagtin waabase dad ay qixiso oo ay dhaxanta u saarto.
Sinjar iyo Woqooyiga Ciraaq waa dhul xadaarad weyn leh oo aanay jirin meel ka xadaarad weyn aduunka waxana soo maray intaas oo rasuulo ah mana jirin hal mar oo dad lagu barakiciyay magaca diinteena macaan ee Islaamka.
Click ku samee sawirka si uu kuugu weynaado
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS