Ciidanka Itoobiya ayaa horumar ka sameeyay dagaalka ay kula jiraan dhiigmiiratadii Tigreega ee xasuuqa ba’an ka gaystey dhamaan gobolka haddana raba inay Itoobiya sidaa uga go’aan ayagoon dhadhamin waxa la xisaabtanku yahay.
Dibed-baxyo lagu taageerayo dagaalka ciidanku ka wado gobolka Tigreega ayaa maalintii sadexaad ka socda dhamaan gobolada Oromada iyo weliba Axmaarada, ayagoo loogu baaqayo in maxkamad la soo taago Tigreega.
Dhinaca kale gobolka Axmaarada ayaa sheegay in madaafiic ku soo dhaceen magaalooyinka waaweyn ee Baxardaar iyo Gondar qaasatan madaarada oo ayna jirin khasaare badan.
Magaalooyinkaas ayaa welli nalku u daaran yahay sida ay sheegeen masuuliyiinta goboklka Axmaaradu. Itoobiya ayaa la filaya in muddo bila ku soo afjartio dagaalka Tigreega.
Gobolka Axmraarada ayaa ah gobol aad u dhisan marka la eego Itoobiyada kale.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS