X

Diiwaan gelinta ciidamadii Ahlu sunna ee Balanbale oo la dhamaystirey: SAWIRO

Waxaa guud ahaan la soo geba-gabeeyay Habraaca Diiwaan Galinta Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Habraaca Diiwaan Galinta Ciidamada Qalabka sida ayaa howshaasi waday kadib markii Dawladda Soomaaliya ay heshiis la saxiixatay Ahlusunna.


Degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo badankood doonayay inay ka mid noqdaan Ciidanka Booliska soomaaliyeed lana diiwaangeliyay.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa la diiwaangelin doonaa Ciidamada kala duwan ee ku sugan deegaanka xeraale iyo degmada Cabudwaaq, waxaana halkaasi dhawaan tegay Taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.