Diiwaangelinta laga hirgelinayo Woqooyiga Somaliya gaar ahaana inta hadda sheegata magaca Somaliland ayaa la ogaaday ujeedada loo samaynayo iyo diiwaangelinta oo hadda xoogeeda la saarayo beelaha Isaaqa si ay u timaado Woqooyiga anagaa degna.
Fashilkii ugu horeeyay ayaa yimi markii jufooyinka wada dega Burco ay diideen in diiwaangelinta lagu soo horeysiiyo sababta oo la ogaadey in ay tahay in jufooyinka qaar ayna diyaar ahayn oo macnaheedu yahay in qolo kasta ayna diyaarin jufadeeda.
Ujeedada ayaa waxa sii khashifey markii odayada Burco qaadaceen sheegeena in dadkoodii Itoobiya ayna ka gaarsiin Karin fariinta iyagoo raba in kuwa Itoobiya xataa degaa kaadhadhka qaataan.
Waxa dhinaca kale sii fashilmey markii diiwaangelinta iyo dhamaan kuwa hoos cararaya ay noqdeen isla JUFO ku xeeran Siilaanyo taas oo qudheeda shaki ka dhalisey beelaha darifyada oo iyaguna qayb ka mida ay maanta hadleen..
Diiwaangelinta oo dawlada Somaliya qaybweyn ka tahay la doonayana in marka la soo gabagabeeyo wax lagu qaybsado qabiil ahaan iyo deegaan ahaan ayayna dadka reer Awdal taas ogeyn.
Haddii aan wax laga bedelin sida hadda jufada (ISAAQ) kaliya wax u wado waxa dhacaysa in lagu shubto maamulka la qaldana tirada dhabta ah ee beelaha darifyada. Arintan ayaa ka caraysiisay waxgaradka reer AWdal inkastoo ilaa hadda si mideysan ayna uga hadal horena u kala jabeen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS