X

Dil argagax leh oo ka dhacay Beledweyne mase heli doontaa cadaalad

Waxa xalay ka dhacay magaalada Beledweyne dil argagax leh oo nin axmaqa u gaystey xaaskiisa kadibna isku dayay inuu baxsado laakiin isla markiiba gacanta lagu dhigey. Su’aasha ugu weyn ayaa ah ma heli doontaa cadaalad mise cadaalad gaalada ayaa lagu xiri doonaa.


Sharciga dalka u yaala ayaa mid lagaga argagaxo maadaama ay gaaladu u qoreen nidaamka loo marayo dembiyada noocana halkii si toosa loo abaari lahaa shareecada. Dadka waxa u dana cadaalad degdega oo laga heli karo KELIYA mida diinteena.

Waxa lagu waramayaa in ninka iyo xaaskiisa uu muran soo dhexgalay kadibna toorey ku weeraray sidaana ku geeriyootay marxuumada Shukri Indhacad. Shugri ayaa ahayd haweenka qaadka iibiya halka laga yaabo in gacan ku dhiiglaha uu yahay bilaa shaqo.


”Waxa muhiima in haweenayda degdeg u hesho oo ninkaasi hore laga dilo maadaama falka lagu hayo ama qoyskeedu go’aansadaan inay magta qaataan ayuu yiri Cali Calasow. Waxase aan la ogeyn in ay cadaalad heli doonto, waana qalad in sheeko qabiil meesha timaado.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.